NISA oo ciidanka ugu digtay in ay ku milmaan arrimaha Siyaasadda

68

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa loogu digtay ciidamada qalabka sida inay ku milmaan siyaasadda, xilli ay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble ay ka taagan Muqdisho.

“Taliska NISA wuxuu ku howlan-yahay sugidda amniga. Wuxuuna ka digayaa ku-milanka siyaasadda ee Ciidamada Qalabka Sida iyo in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada. Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyahay mar walba garab istaaga Hay’adaha Amniga Qaranka.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay NISA.

Talaabadan ayaa daba socota digniino ay horey u soo saareen taliyayaasha Ciidamada Xoogga iyo Booliska, oo ay ciidanka uga digeen inay ku-milmaan siyaasadda