Maxkamadeynta Rag loo haysto dilka Sakariye & Sowdo oo bilaabatay

52

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah  billowday dhageysiga dacwadda kiiska dilka ahaa ee loo geystay Sakariya iyo Sowdo oo ahaa laba Ruux oo Walaalo ah.

Falka dilka ah oo labadii Bishaan ka dhacay xilli habeen ah Isgoyska Dabka ayaa loo heystaa laba Askari oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu kala Magacaabo Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan(Kanidiid) iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan.

Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay raggaas inay si ku talo gal ah rasaas ugu fureen dad ku sugnaa Isgoyska Dabka, xilli goobta ay aheyd mid masqhujl badan, iyaga oo dalbaday in eedeysanayaasha lagu rido xukun u dhigma dambiga ay geusteen.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa dalbaday in loo ciqaabo Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan(Kanidiid) dilka uu geystay halka Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu ciqaabo anshaza wada marista iyo Nabadgelyada Guud ee uu khalqal geliyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dajawada koowaad ee Ciidamada wlaabka sida gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamadda oo waqti dheer qaatay ayaa sheegay in kiiskaan ay Maxkamadda go’aan kasoo saari doonto.