Booliska Kenya oo baadi goobaya Ganacsade Soomaali la la’yahay

39

Waxaa socda baadigoobka ganacsade Soomaali ah oo muddo tobbaad ah lagu la’a yahay Kneya kadib markii ay goob ganacsi ka afduubeen dad aan heybtooda la aqoonsan. Warbaahinta waaweyn ee dalka Kenya ayaa si weyn u hadal haya qaabkii loo qafaashay ganacsadaha.

23-kii bishan December ayaa Maxamed Xasan laga kaxeystay meherad ganacsi oo uu ku leeyahay magaalada Machakos oo aan ka fogeyn Nairobi, ilaa haddana lama oga halka uu ku maqan yahay.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa cidda “afduubatay” ninkan oo qoyskiisa ay ka walaacsan yihiin, iyaga oo dowladdana ka dalbaday inay arrintiisa meel ku caddeyso

Si rasmi ah looma shaacinin cidda ay yihiin qolyaha ka dambeeya falkan, hase yeeshee waxaa jira tuhun weyn oo laga qabo in ay yihiin dad xiriir la leh dowladda, sida ay baahiyiin warbaahinta Kenya.

Shakhsiyaadka kaxeystay ninkan ayaa la sheegay inay isku tilmaameen askarta dowladda u qaabilsan hirgelinta shuruucda xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Cumar Xasan Maxamed oo la dhashay ganacsadaha la la’yahay mudada toddobaadka ah ayaa sheegay in dadkii meheradda ganacsiga ugu tagay Maxamed ay wateen gaari nooca loo yaqaanno qooqan, ayna ka kaxeysteen halkaas iyagoo aan sharraxaad kale bixinin.