Deni oo galabta soo gaaray Muqdisho

26

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Kaasi oo uu shaaciyey Ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland

Horey waxaa Muqdisho u soo gaaray madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kala Galmudug, Hirshabelle.

Madaxweyne Deni ayaa kulamo la qaadan doono siyaasiyiinta mucaaradka iyo xubnaha Beesha caalamka.