DEG DEG:-Dagaal xooggan oo caawa ka socda Beledweyne

50

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo ciidan uu hoggaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa haatan waxaa uu ka socdaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Weriyeha KNN ee magaalada Beledweyne Cabdinuur Cusmaan Aadan ayaa soo werinaya in dagaalka xoogeysa uu ka socdo xaafada Kooshin gaar ahaan Suuqa Balka ee magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen hoyga uu degan yahay sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere, kaasi oo ka mid ah saraakiisha sida weyn ugu soo horjeeda dhismaha maamulka Hirshabelle.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro soo gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah