Axmed Madoobe oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay R/wasaare Rooble

45

Madaxweynaha Jubbaland Sheikh Axmed Madoobe ayaa soo gaaray Magaalada , waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxwyane Sheikh Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa Muqdisho u yimid ka Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaasi oo horey u iclaamiyay R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sugan madaxweyneyaasha maamulada Galmudug, Hirshabelle, Puntland, iyo Jubbaland, balse waxaa ka maqan Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.

lama oga waqtiga rasmiga ah uu furmi doono shirka uu iclaamiyay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.