DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Janaale.

48

Ciidamada xoogga ayaa maanta howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida.

“Howgal lagu laayey maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa maanta ka dhacay deegaano hoos-yimaada Janaale ee gobalka shabellaha hoose sida ay kusoo warameen Saraakiisha Militariga janaale”ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay SNA.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in ku dhawaad 5 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgalka,halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.