Wasiirka amniga oo ka hadlay is hor-taag lagu sameeyay shacab bannaan bax dhigayay

54

Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay is hor-taag lagu sameeyay shacab bannaan baxyo ka dhigayay magaalada muqdisho kuwaa oo tageero umuujinayay Ra’iisul Wasaare maxamed xuseen Rooble.

Wasiirka amniga soomaliya ayaa sheegay in baaritaan degdeg ah lagu sameyn doono sida wax u dhaceen, isla markaana aan la aqbali doonin in saraakiisha Amniga ku kacaan is hortaagga bannaan baxyada.

Geesta kale wasiir ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan sidoo kalana ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimada isagoona sheegay in aan la aqbali doonin wax rabshado ah.