Madaxweyne Deni oo soo gaaray Muqdisho

53

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa sida qorshahuhu yahay waxaa uu ka qaybgali doonaa Shirka Golaha Wadatashiga qaranka oo maalmaha soo aadan la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano siyaasiyiin kale ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan ee Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga qaranka hor waxaa jiro kulamo gaar-gaar ah oo Madaxda maamul Goboleedyada dhexdooda ay yeelanayaan.

Sidoo kale madaxda ayuu kulamo la qaadan doono sida xubnahaha midowga musharixiinta mucaaradka, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.