Maxay ku heshiiyeen DFS iyo Guddiga Midowga Afrika ee ka bixitaanka AMISOM?

60

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM ayaa waxaa maanta u soo gabagaboobay shir wada tashi ah, oo u socday muddooyinkii u dambeeyay.

WarSaxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in la isku afgartay dib u habeyn lagu sameeyo Howlgalka AMISOM.

Hoos ka akhriso.

War Saxaafadeed Dowladda Federaalka Soomaaliya-Guddiga Midowga Afrika-AMISOM 29ka Diseembar 2021

Muqdisho, Soomaaliya Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Disembar 2021, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeelatay guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ah Mne. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Mne. Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo Mne. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.