Dowladda Swedan oo ka hadashay khikaafka Farmaajo iyo Rooble

50

Dowladda Swedan ayaa sheegtay in wada hadal ay yeeshaan Madaxda Soomaalida looga bixi karo khilaafka u dhaxeeya Mas’uuliyiinta ugu sarreysa dalka.

Qoraal lagu daabacay bogga Safaarada Swedan ee Soomaaliya ayaa Madaxda Soomaalida loogu baaqay in la qabto shirka Golaha Wadashiga Qaran.

“Sweden waxa ay ugu baaqeysa madaxda Soomaalida in ay is xakameeyaan, Wada-hadalkuna waa waddada keliya ee horay loogu socon karo, waa in la qabto Shirka Madasha Wadatashiga Qaran si loo hormariyo hannaanka doorashada” ayaa lagu yiri Qaraalka.

Sidoo kale Swedan ayaa taageero u muujisay Ra’iisul wasaare Rooble oo hoggaamiya Golaha Wadatashiga Qaran.

“Swedan waxa ay sii wadeeysaa taageerada RW Rooble, si loo gaaro hannaan doorasho oo hufan” ayaa yiri Bayaanka.