Gen Odowaa oo ciidanka ugu digay inay ku milmaan arrimaha Siyaasadda

104

Talyaha Ciidamada Xoogga, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada uga digay in ku milmaan siyaasadda, isaga oo ugu baaqay in ay ku ekaadaan gudashada waajibaadkooda Qaran.

Talyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Xaruunta wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare aysan wax shaqo ah ku laheyn Ciidamada Xoogga, kana madax bannaan yihiin.

Shirka ayaa ka dambeeyay kulan gaar ah oo ay wasaaradda Gaashaandhiga ku yeesheen Saraakiisha ugu sarreysa ciidamada xoogga, kaasi oo looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee Ciidamada.

Hadalka Talyaha ayaana ku soo aadaya xilli uu taagan yahay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble, kaasi oo salka ku haya awoodaha Dastuuriga ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hore u sheegay in dhammaan Ciidamada Qalabka Sida ay ka amar qaadan doonaan xafiiskiisa, hadalkaasi oo ay Madaxtooyadda ku tilmaamtay sharci darro.