Jubbaland oo sheegtay in ay ka qeyb galayso shirka uu iclaamiyay Rooble.

39

qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu taageeray dadaalada uu wado R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa u qornaa sidan:-

Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha Doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.

Waxaa meel Wanaagsan maraya dadaalada ay guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan Doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka oo si Wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Waxaan diyaar u nahay ka qeybgalka shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.