Wasiirka aniga oo Hay’adda Socdaalka faray in uusan dalka ka bixi karin Taliyaha ciidamada Badda.

52

Wasiirka aniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa amray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in uusan Dalka  ka bixi karin Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed C/xamiid Aadan Dirir  kaas oo horay ugu eedeeyay Rooble in uu dhul uu ay leeyihiin Ciidanka bada soomaliyeed  dhisanayo.

wasiirka amniga ayaa C/xamiid Aadan Dirir ayaa waxa uu ku eedeyay in uu ku kacay xad gudubyo waa weeyn sida in uu ku xadgudbo madaxda qaranka, waxa uuna wasiirka amniga shegay in C/xamiid Aadan Dirir uu qorsheeynayo in dalka uu si deg deg ah uga baxo.

Wasiirka Amniga ayaa taliyaha sidoo kale ku eedeeyay in ay ku maqan tahay hanti Dad weeyne sidoo kalana uu diiday in uu dib u celiyo.

Hadalka wasiirka ayaa imaanayo iyadoo taliyaha ciidanka badda soomaaliya uu horay ugu eedeyay Rooble in uu dhisanayo dhul ay leeyihiin Ciidanka badda.