Jubaland oo beenisay warar sheegaya in Dhuxul laga raray Dekedda kismaayo.

61

Maamulka Dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in Dekadda Kismaayo uu ka baxay Markab lagu magacaabo Diamond Sky oo lagu raray dhuxul.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Nepal, ayaa 13-kii bishan ku soo xirtay Dekadda Kismaayo, isagoo sida shixnad shamiinto ah, wuxuuna ka yimid dalka Iran.

Ibraahim Xasan Xaaji oo wakiil ka ah shirkadda uu Markabkan u rarnaa ayaa been abuur ku tilmaamay xogta laga baahiyay markabka ee ah inuu dhuxul siday, waxaana markaba oo hadda taagan dekadda Kismaayo ku socda daabulidda shamiintada.

Maareeyaha Dekadda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan ayaa sheegay in aysan haba yaraatee wax shixnad dhuxul ah oo saarani jirin markabka,islamarkaana wararka la baahiyay ay yihiin kuwo been abuur ah oo dano gaar ah laga leeyahay.