Cali Guudlaawe Oo Guddoomiyay Shirka Wasiirada Hirshabeelle

23

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaad laha ee Golaha Wasiirada Dowlad GoboleedkaHirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Xukuumada warbixin uga dhagaystay Wasiirada Wasaaradaha Kallkuumeysiga, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha iyo Shaqada iyo Shaqaalaha iyagoo Madaxweynaha la wadaagay wixii u qabsoomay sedexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka  ayaa golaha wasiirada la wadaagay baaxada abaaraha ee ku dhuftay deegaanada Hirshabeelle, iyo saameynta ay gaysteen.

Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ayaa shirka golaha xukuumada horgeeyay Sharciga Ciidanka Booliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxayna golaha ka doodi doonaan kulanka xiga ee Golaha Xukuumada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada dadaalka ay wadaan iyo shaqada adag ee dowlada u hayaan