Shirka Wasiirada Howlaha Guud Ee Dalalka J/Carabta Oo Ka Furmay Iyo Somalia Oo Ka Qayb Gashay

48

Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee Xukuumadda Federaalka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Dalka Jordan uga qeyb galaya Kalfadhiga afaraad ee Madasha Wasiirada Carabta ee Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka, (AMFHUD) oo ka furmay caasimadda Jordan ee Cammaan.

Kal-fadhi oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa looga doodi doona arrimo badan oo kamidyihiin xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee Carabta ee dhinaca guryeynta iyo horumarinta magaalooyinka, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jirto Barnaamijka Dejinta Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee Xukuumadda Federaalka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo  khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka ayaa waxa uu  Faah-faahiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay ee ay wasaaradda ka qabatay dib u dhiska dalka, wuxuuna carabka ku dhuftay in mudooyinkii dambe Uu dib u dhiska dalka sameeynayo kubac fiican, isagoo tilmaamay in Muwadiniinta Soomaaliyeed ay si is-daba jooga u wadaan dib dhiska dalka, Wuxuuna xusay inay ka Dowlad ahaan dadaal ugu jiraan sidii dhismayaal casri ah dalka looga hergalin lahaa, si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada Asaasiga ah.

Dhinaca kale Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Dowladda ay fuliyeen Olalah is Xilqaan dalkaaga ku dhiso kaasi oo Dib loogu dhisay xaruumo kala duwan oo taariikh fog ku leh dalka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale xusay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay xal ugu heli laheyd barakacayaasha loona yareeyn lahaa fiditaanka  xeryaha ay ku noolyihiin Barakacayaasha.

Ugu dabeyntii Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee Xukuumadda Federaalka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa u mahadceliayay dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ee ka soo qeybgalay shirweynahan iyo Bankiga Horumarinta Islaamka oo ku amaanay doorkiisa ku aadan maalgelinta mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin fir fircoon ka tahay.