Xasan Sheekh Maxmuud oo markale ku baaqay in doorashada aysan noqon Mid la boobo.

64

“Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran & Midowga Musharaxiinta waxaan uga wada hadlnay sida doorashada looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gudban. Midowgu waxa uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah la isugu yimaado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,

Kulanka ayaa  waxa uu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday laakiin mowqifka Midowga Musharaxiinta waxba is kama baddalin ilaa billowgaas fiican uu miro dhal noqdo;,

Hadalka Xassan Sheekh Maxmuud ayaa kusoo aadayo xili xalay ay shir fogaan arag ah ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo qaar ka mid ah midowga musharaxiinta  kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka .