Guddiga xalinta Khilaafka doorashooyinka oo sheegay in Caddaadis lagu hayo

54

Xuseen Maxamed Maxamuud Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Guddigooda ay ku howlan yihiin sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkii loo doortay balse ay jiraan Caddaadis ay la kulmayaan.

Waxaa uu sheegay intii ay ku guda jiray xalinta kuraasta doorashooda uu muranku ka dhashay in dadbadan oo dhinacyo kala duwan ay Caddaadis saareen taasina ay shaqadooda halis ku tahay uuna ugu baaqayo in shaqadooda loo Madaxbaneeneeyo.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in aysan jirin koox gaar ah oo ay u shaqeeyaan oo ay yihiin guddi qaran oo dhexdhexaad ah.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u jeediyeen guddigooda dhaliilo dhaawici kara howlaha ay bulshada u hayaan.

Waxaa uu ugu baaqay Midowga Musharaxiinta haddii ay dhaliilo qabaan in ay u yimaadaan ayna diyaar u yihiin in ay wax waliba ay ka qancin doonaan.

“Midowga Musharaxiinta waxaan leeyahay Hogaamiyayaashi Biri ayaa tihiid wax na waydiiya inta aadan na Dhaliilin ” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafka.