Rooble oo shaqada ka eryay xubno ka mid ah Guddiga xalinta khilaafka doorashooyinka

20

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada.

Xubnaha Shaqadda laga ceyriyay waxaa ku jira Gudoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafka doorashada  Xuseen Laki Maxamuud.

Rooble ayaa sheegay in xubnahaan ay ku milmeen siyaasadda ayna ku fashilmeen in ay dhexdhexaad noqdaan.

Xubnahaan cusub ee shaqada laga ceyriyay ayaa tiradoodu dhan tahay 7 xubnood, waxaana lagu badalay xubno cusub.

 

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4 Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7 Maxamed Ciise Heybe.

Qodobka 2aad
Waxaa la magaacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay ka
mid noqdaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyagoo beddelaya
xubnaha kore ee xil ka qaadista lagu sameeyay
1 Ismail Maxamed Axmed
2 Fardowsa Mataan Buulle
3 Ayaanle Axmed Cabdulle
4 Bashiir Axmed Yusuf
5 Xasan Axmed Dhicisow
6 Axmed Barre Maxamed
7 Maxamed Cawil Warsame