Wasiir ku xigeenka Caafimaadka XFS oo ka warbixiyay abaaraha iyo sida loogu gurman karo dadka

49

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Axmed Xuseen  Macalin oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay  socdaan gurmad biniaadanimo oo wax looga qabanaayo dhibaatooyinka ay la yimaadeen abaaraha ee ku dhuftay inta badan dadka ku dhaqan gobolada dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa qiray in in la soo gabagabeeya kulamo looga arrinsanaayey sidii gobolada la ildaran abaaraha looga sameyn lahaa xarumo laga maamulo deeqaha biniaadanimo ee la siinayo dadka soo barakacay.

Mudane Axmed Xuseen  ayaa sheegay in dowladdu ay dhinacooda diyaariyeen  lacago kaalmo ah oo loogu talagalay in ay  qeyb ka noqdaan gurmadka loo sameynaayo qoysaska ku barakacay abaaraha ,wuxuuna intaa raaciyay in lacagahaasi loo qoondeeyay sida ay u kala daran yihiin gobolada dalka.

Mas’uulkaasi, waxa uu xusay in heyadaha samofalka laga sugaayo kaalmooyin biniaaanimo oo wax u tara dad ka badan 4-milyan,”iyadoo sidoo kale la filayo in ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qeybgalaan howsha gurmadka ee loogu adeegayo daka la ildaran abaaraha ayuu yiri.

Wasir ku xigeenka Caafimaadka XFS Axmed Xuseen   Macalin,waxa uu u mahadceliyay qeybaha bulshada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka,isagoo dhinaca kale ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolada dalka in la joojiyo jarista dhirta oo badanaa saameyn ku leh abaaraha.