Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay go,aanka Rooble

55

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay talaabada uu xilka uga qaaday Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka kuna magacaabay xubna cusub, isaga oo ka jawaabaya cabashooyinka ka yimid doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee socda.

MD Shariif ayaa yirri “Talaabadani waxa ay kor u qaadaysaa daah furnaanta doorashooyinka, waxa ay ka hortagaysa boobka kuraasta, waxa ayna kalsooni galinaysaa daneeyayaasha doorashada iyo dadka Soomaaliyeed ee leh kuraasta Baarlaamanka”

“Waxaan adkaynaynaa in ay lagama maarmaan tahay in doorashada ku socoto hab hufan oo loo dhan yahay, Ra’isulwasaaraha iyo Golaha Wadatashiga Qarankana waxaa laga rabaa in ay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo dib loogu saxayo qaladaadka doorashada ee cabashooyinka keenay”