Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Faah Faahiyey Ujeedka Socdaalka Uu Ku Tagay Baydhabo

21

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa faah faahin ka bxiyey ujeedka safarkii galabta uu ku tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marka hore sheegay inuu Baydhabo u tegay ka qeyb galka Munaasabadda sanad-guurada 3-aad ee markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo uu sheegay inuu Casuumay.

Rooble ayaa Carabka ku dhuftay in Arrimaha socdaalkiisa ay qeyb ka yihiin  kulamo Wadatashi ah oo uu la yeelan doono Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, isla markaana ay ka arrisan doonaan Arrimaha doorashooyinka dalka iyo halka ay marayaan.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayuu sheegay inuu xaaladda Abaaraha baahsan ee jiran iyo dhibaatada heysata dadka kunool Magaalooyinka Go’doonsan uu kala hadlayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn Rooble ayaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaalya ugu hambalyeeyay Munaasabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.