Faahfaahin Qarax ka dhacay Jowhar

47

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya qarax ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday baabuur uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Axmed Mayre Makaraan.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuusan la socon baabuurka xilligaas, khasaarena ilaa xilligan lama soo werin.

Ciidanka Ammaanka ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Todobaadkii hore ayay markii qarax miino ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.