Ciidanka Itoobiya oo TPLF ka qabsaday Magaalo muhiim ah

33

Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreega.

Wasiirka Isgaarsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta sabtidii in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horeysay tan iyo xagaagii.

Ciidamada Tigreega ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxa ay horay u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeeladaysan.

Warbaahintu si madax banaan uma aysan xaqiijin sheegashadii ugu dambeysay. Balse, waxay u muuqataa in dowladda ay dib ula wareegtay magaalooyinka waaweyn ee dhanka dhulka Axmaarada ah marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ay fallaagada dib ula wareegeen toddobaad ka dib markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay horaantii bishan.