Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Calanka ka taagay Xarunta Q.M ee Dhaqaalaha

40

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Bilaal Cismaan ayaa maanta calanka Soomaaliya ka taagay xarunta Ururka Qaramada Midoobay ee Dhaqaalaha iyo bulshada ee Galbeedka Aadiya,

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xusay in Wasaaraddu ay ku howlantahay xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Dalalka iyo Hay’addaha Caalamka.

“Waxaan sharaf ii ah inaan ka taago calanka Soomaaliya Xarunta Ururka Qaramada Midoobay ee Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Galbeedka Aasiya kaasoo xafladdiisa lagu qabtay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan. Ururkaas waxaa xubno buuxa ka ah 20 waddan oo dhammaantood ka tirsan Jaamacadda Carabta”. Ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.