Dib u dhac yimid doorashadii berri lagu waday in Muqdisho lagu qabto

36

Gudiga Maamulayada doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa goor dhow waxaa ay shaaciyeen in ay baaqatay doorashada kurasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee lagu waday in berri lagu qabto Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in maalinta Axada la qaban doono, islamarkaana hadda dib loo dhigay sababo aan la shaacin awgeed.

“Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono kuraastaas” ayaa lagu yiri war kaso baxay guddiga
Warka ayaa intaasi kusii daray “Waxaan ku war galinayna musharaxiinta u tartamayaa ku raastan in 19-Dec-2021 ay u soo diyaar garoobaan qabashada kuraastas”