Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Erdogan?

34

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta kulan la qaatay Madaweynaha Turkiga, Recep Tyib Ordugan.

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyadda Turkiga ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal, ee dhinacyada dhaqaalaha Amniga, siyaasadda iyo arrimaha Bulshada.

Labada mas’uul ayaa isla gartay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeey labada dal ee muddada soo jiray.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka iskaashiga Turkiga iyo Qaarada Afrika oo maalinta berri ah furmaya ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda ka qeyb galeysa kulankaasi.