Madaxweynayaasha Jubbaland & Koonfur Galbeed oo Warmurtiyeed soo saaray

49

Maaxweynayaasha Maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ee Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa ay Warmurtiyeed kasoo saareen kulamadii ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Warmurtiyeedka oo ka kooban hal Bog ayaa lagu faafiyay qodobadi ay ka wada hadleen labada Madaxweyne, kuwaas oo kala ah, Abaaraha, Amniga, Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga isdhex-galka Bulshada, xoojinta Hanaanka Federaalka & Arrimaha doorashoyinka.

Kulamo saacado badan kadib ayaa waxaa ay labada Maaxwyene isla garteen qodobada soo socda ee lagu xusay War-murtiyeedka ay siwadajirka u soo saareen, waxaana kamid ah.

  1. Abaaraha: waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad degdeg ah oo banř’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay ka mahadceliyeen dadaalada hada socda.
  2. Amniga: in la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka argagixisada iyo isweydaarsiga xogaha amniga.
  3. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Isdhexgalka Bulshada:

lyadoo la tixgelinayo xiriirka dhaqan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab waxayna Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada Maamul, sidoo kalena a iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumeysiga.

  1. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka Madaxdu waxa ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta hannaanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka & DFS.
  2. Doorashooyinka: Madaxdu waxey isla garwaaqsadeen in qabsoomidda iyo dardargelinta dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka.

Ka sokoow Warmurtiyeedkan ay sida wadjirka ah u soo saareen Madaxweynayaasha Jubbaland & Koonfur Galbeed ayaa waxaa jirta warar kal hore soo baxayay oo sheegayay inay ka wada hadleen sidii loogu guuleysan lahaa rag ay la doonayaan inay kamid noqdaan Xildhibaannada Golaha Shacabka, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Magaalooyinka Kismaayo & Baydhabo.