Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shil Ku Galay Gobolka Sool

92

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaaro dhaliyay oo ay wax yeello kasoo gaartay Askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, kaasi ka dhacay inta u dhaxeeysa Laascanood iyo Xudun ee gobolka Sool.

Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Shilku uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dahceen Labo gaari, oo mid ka mid ah uu la socday Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, waxaana bur-bur xooggan uu gaaray labada gaari.

Gaariga Wasiirku la socday ayaa ku dhacay Gaari kale oo ay saarnaayeen Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno RRU, waxaana wararku intaa ku darayaan in waxyeello dhaawacyo ah ay soo gaartay Askarta.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in aysan wax khasaaro ah soo gaarin,marka laga tago burburka Gaariga, iyadoo dhaawacyo fudud ay soo gaareen Askarta Booliska ah.

Degaanada Gobolka Sool ayaa waxaa inta badan ka dhaca Shilalka noocaas oo kale ah, iyadoo horay dad badani ay dhimasho iyo dhaawacyo ay kasoo gaareen shilal dhowr ah oo ka dhacay Gobolkaasi.