Afar kursi oo Golaha Shacabka ah oo berri la dooranayo

33

WarSaxaafadeed ka soo baxay Guddiga Maamulka doorashada Gobolada Waqooyi ayaa lagu shaaciyay in berri oo ay taariihdu ku began tahay 18/12/2021 ay qabanayaan doorashada saddex kursi oo Somaliland ka soo galeysa Golaha Shacabka ee BFS.

Guddiga ayaa sheegay in berri ay qabanayaan Doorashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262, HOP#229,  HOP#254 iyo HOP#255 – oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Horey waxaa loo doortay xubno ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo galay Gobolada Waqooyi, Doorashada ayaana maalmahan gashay hakad, ka dib khilaaf soo kala dhexgalay Xubnaha siyaasiyiinta ee ka soo jeeda Somaliland.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaana daba-yaaqadii toddobaadkan xalliyay madmadowgii soo kala dhexgalay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo ku-xigeenkiisa Mahdi Guulleed, waxaana la isku af-gartay in Doorashada la dardar galiyo.