Hay’adda FOA “Heerkii ugu sarreeyay ayay gaartay abaarta Soomaaliya

121

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaarta ka taagan Soomaaliya ay sababtay in macluul iyo cunno la’aan daran oo saameyn ku yeeshay bulshada deggan tuulooyinka iyo miyiga dalka.

Hay’adda QM u qaabilsan cunnada iyo Beeraha ayaa warSaxaafadeed ay soo saartay waxa ay kaga hadashay abaaraha ka taagan dunida Carabta ay saameeyeen, iyada oo sheegtay in ay saameyn ku yeesheen saddex meelood beel dadka ku nool dunida carrabta taasi oo u dhiganta 69 milyan oo ruux.

Hay’adda FAO ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020 ay tirada nafaqo-xumada hayso ee dunida Carabta kor u kacday 4.8 milyan oo qof oo gaadhay 69 milyan, ku dhawaad 16 boqolkiiba dadka.

“Kororka heerarka nafaqo-xumada ayaa ka dhacay dhammaan heerarka dakhliga, colaadaha ay saameeyeen iyo sidoo kale dalalka aan colaadaha ka jirin,” FAO ayaa tiri.

Soomaaliya iyo Yemen oo ay colaado ka jiraan ayaa weli ah dalalka ay sida xun u saameysay sannadkii hore, iyadoo ku dhawaad 60% dadka Soomaaliyeed ay gaajoonayeen halka in ka badan 45% dadka Yemen ay nafaqo-darro hayso.

Soomaaliya ayaa weli waxaa laga dareemayaa saameynta abaaraha ka jira dalka, iyadoo ay sababeen dhimasho iyo dad badan oo ay xoolaha dhaafeen, waxaana socday gargaar ay wadeen shacabka iyo dowladda oo loogu gurmanayo dadka abaartu saameysay.