Cabdiraxman C/Shakuur” Dowlad Goboleedyada ayaa qeyb ka ah boobka doorashada”

45

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay Madaxda dowlad Goboleedyada inay qeyb ka yihiin boobka lagu haayo doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiga oo Wareysi siiyay TV-ga Universal wuxuu sheegay in dowlad Goboleedyada iyo dad kale ay diidan yihiin in la saxo doorashada, isla markaana ay ku andacoonayaan inay sidaan ku socoto leyskana daayo, iyaga oo aaminsan in Farmaajo uusan markale xukunka kusoo laabaneyn.

Waxaa wax laga weeydiiyay, iyaga oo dalbaday in doorashada la joojiyo go’aankii Maamulka Jubbaland uu ku iclaamiyay qabashada doorashada Afarta kursi, wuxuuna ku jawaabay.

” Hadii Axmed Madoobe anaga oo dalbanay joojinta doorashada uu soo fasaxay doorashada 14 kursi waxay u muuqataa in uu raali ka yahay boobka doorashada dadkaas ayuuna loona mid yahay ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha ayaa horay dhowr jeer u dalbaday in la joojiyo doorashada Golaha Shacabka, hayeeshee aan dheg jalaq loo siin taas bedelkeedana la shaaciyay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland iyo Beelaha Banaadiriga.