Cumar Cabdirashiid oo ka digay khalalaaso ka dhasha boobka doorashada

50

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda dalka ee Arrimaha doorashada oo dad badan ay sheegeen in si boob ah lagu wado, isaga oo ku baaqay in la saxo khalalaadka kajira.

Qoraal uu soo dhigay Barta twetter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in aan lagu deg degin doorasho go’an,isla markaana xisaabta lagu daro Soomaaliya shalay sida ay aheyd, sida ay maanta tahay & halka la rabo in berri la gaaro.

” Waxyaabo keena khiyaamada & khilaafka ayaa jira. Haddii Golaha wadatashiga Qaran ay ku guul darreystaan inay qaadaan tillaabooyinka sixitaanka waqtigii loogu talagalay, geeddi-socodka doorashada wuxuu dhalin karaa oo kaliya iska caabin & falcelin ayuu yiri” Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid ayaa kamid ah Siyaasiyiinta dhaliilsan sida ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, wuxuuna dhawaan markii uu yimid Magaalada Muqdisho uu ku biiray shirar looga hadlayay boobka doorashada oo ay lahaayeen Midowga Musharrixiinta.