Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & Faah faahin laga helayo

54

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidam o ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada jubbaland ku leeyihiin ddgaanka Baarka ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli wax faah faahin ah dagaalkaas kama bixin, waxaana uu daba socdaa xilli Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo ka sameeynayaan degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.