Soomaaliya iyo QM oo ka wadahadlay Ilaalinta Xuquuqul Insaanka

50

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mne. Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee UNSOM, Danjire James Swan, si ay uga wada hadlaan hawlaha socdo ee u dhaxeeyo UNSOM iyo Wasaarada Gaashaandhigga.

Kulanka ayaa u dhacay si saaxiibtinimo iyo hufnaan leh, waxaana ka mid ahaa Danjire Lisa Filipeto, Madaxa UNSOS, Marwo Kirsten Young, Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka (KIXI-HRPG), S/Guuto Papa Ngom, Lataliyaha Sare Ciidanka UNSOM iyo Marwo Adelina Urmanova, Kaaliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee UNSOM.

Kulanka waxaa Wasiirka Gaashaandhigga ku weheliyay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan M. Saciid Samantar “Gacaliye” iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda, Cali Aadan Xasan.