Madaxweyne Lafta-gareen oo faah-faahiyay ujeedka safarkiisa

48

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka ah ee Jubbaland, isaga oo kulamo lala leh madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulamada labada mas’uul ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka dalka.

Lafta-gareen oo warbaahinta kula hadlay garoonka Kismaayo ayaa sheegay in uu wanaajiyo xiriirka labada maamul, isaga oo u rajeeyay bulshada in uu ilaahey abaarta ka saaro.