Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

47

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey Shir aan caadi ahayn oo looga hadlayey Amniga Gobolka Mudug, kaas oo ka qabaoomay Gaalkacyo.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobolada Mudug iyo Cayn, Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Xeerilaalinta, Garsoorayaal iyo CID Gobolka Mudug.

Intii uu shirku socday ayaa la isla gartay in la sii dar-dargaliyo sugista iyo adkayn Amniga Gobolka, sidoo kalena dib ushaqa bilowdo Maxkamada Ciidamada Qalabka si loo maxkamadeeyo xubnihii ka haray Al-Shabaab ee gacanta laamaha Amniga ku jira.