Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wafdi ka socda Congress-ka Mareykanka

55

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa ku qaabilay wefdi ballaaran oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku tegay Somaliland.

Ugu horrayn Madaxweynaha  Somaliland waxa uu xubnaha wefdiga xog-warran guud ka siiyey xaaladaha kajira  Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, isagoo madaxweynuhu xusay in isku duubni iyo qori isu dhiib lagu soo gaaray halkan, kaas oo ay iska kaashadeen shacbiga iyo Xuluimadda kuna ilaashadeen nabadgelyada, horumarka, dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika.

Kulanka labada dhinac ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland & Mareykanka, arrimaha nabadgelyada, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda.

Dhinacooda, xubnaha wefdigu waxay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta iyo sida loo qaabiley markii ay yimaadeen Hargeysa, , iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xiriira horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan.