Madaxweyne Guudlaawe oo guddoomiyay Shirka Amniga Hir-Shabeelle

21

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Hirshabeelle oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar.

Shirka oo maanta ay ka qeybgaleen Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka,
Taliyaha Madaxtooyada Hirshabeelle,
Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Booliiska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidamada Danab ee Deegaanada Hirshabeelle iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hay’addaha Amniga isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo adkeynta amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Caasimada Jowhar.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Qalabka sida ay howlgallo kala duwan ka sameeynayeen degaano hoostaga degmada Jowhar maadaama loo diyaar garoobayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka