Waare” Doorashada sharci darro ayay ku socotaa wixii ka dhashana Rooblaa mas’uul ka ah

34

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay xaaladda dalka gaar ahaan doorashooyinka socda, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waare oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal ayaa sheefay in waxa xilligaan ka socda dalka aan la dhihi karin doorasho, wuxuuna sheegay inay tahay mid aan ku socon si cadaalad ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in habraacii doorashada ee lagu heshiiyay in laga tallaabsaday, isla markaana si aan sharciyad ku dhisneyn oo si qarsoon oo suuq madow ah doorashada loo wado ayna ka dhalan karto dhibaato xoogan.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u dhaca ku yimid doorashooyinka, isaga oo sheegay in Farmaajo ay ka go’an tahay in labadii sano ee muddo kororsiga laga diiday uu dhameysto.

” Doorashada socota waa mid mugdi badan ku gadaaman yahay, Ergada dooraneysa lama garanayo waqtiga ay dhamaaneyso lama yaqaan waana arrin dhibaato ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayuu yiri” Waare.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hir-Shabeelle wuxuu sicad u sheegay in ay muhiim tahay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu u fuliyo sida loogu aaminay doorashooyinka, hadii kale wixii ka dhasha doorashada sharci darrada ah uu isaga qaadi doono.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa intii ui ahaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxaa ay dhowr jeer is khilaafeen Villa Somalia, wuxuuna sheegay in uu kala kulmay cadaadis iyo dhibaato xoog leh.