Soomaaliya & Qatar oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah

46

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya,  Xasan Bin Xamsa Asad, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Qatar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Danjiraha Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya,  Xasan Bin Xamsa Asad ayaa sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin Soomaaliya oo xiligaan kujirto waqti soo kabasho ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dhankiisa uga mahad celiyay taageerada ay dowladda Qatar mar walba siiso dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Dowladda Qatar oo la sheego inay tahay saaxiibka koowaad ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo -la takiyihiisa Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa waxaa ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic dhowr ah oo ay kamid yihiin dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar.