Jubbaland oo shaacisay doorashada 14 Kursi

37

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in la qabanayo doorashada 14 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay degaannada Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu asteeyay kuraasta doorashadooda la qabanayo, kuwaas oo ay ka dhaceyso dhamaantood Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay kala yihiin kuraasta doorashadooda dhawaan dhaceyso.

1: HOP 028 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdullaahi Maxamed Aadan (Shaacir)

2- HOP 082 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Xamza Sheekh  Xuseen Colow

3-HOP 093 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta marna soo noqday Xanaanada Xoolaha Sheekh Nuur Maxamed Xasan

4-HOP 107 oo ay ku fadhido Xaawo Maxamed Aadan

5- HOP 108 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Cumar

6-HOP111 oo uu ku fadhiyay Maxamed Nuur Iftin (Shambara).

7- HOP 113 oo ay ku fadhido Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac

8- HOP 114 oo uu ku fadhiyay Afartii sano ee la soo dhaafay Cabdulqaadir Maxamed Cismaan

9-HOP 118 oo uu ka geeriyooday Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshads Saqar Ibraahim Cabdalla

10- HOP 120 oo uu ku fadhoyo C/qaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi) oo mar soo noqday Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada

11-HOP 126 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Maxamed Xasan Idiris oo kamid ah Xildhibaannadii sida weyn u difaacay Madaxweynaha Jubbaland.

12- HOP 134 oo ay ku fadhido Sahra Jaamac Cali (Qorsheel)

13- HOP 203 oo ay hadda ku fadhido Sahra Xaaji Xuseen Cali

14- HOP 217 oo uu ku fadhiyo Xasan Cabdi Cismaaciil

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay ku dhawaaqaan jadwalka doorashada kuraastaan, waxaana Maamulka Jubbaland uu noqonayaa Maamulka Saddexaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka.