DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka Jabuuti

50

Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb-galaya madasha aragti wadaagga arrimaha Geeska Afrika ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Cilmi-Baarista Heritage ayaa soo hadal qaaday xiriirka Soomaaliya & Jabuuti oo uu dhowaan khilaaf soo kala dhex-galay.

Jamaal Maxamed ayaa marka hore meesha ka saaray in haatan khilaaf uu ka dhexeeyo labada dal oo walaalo iyo daris ah, wuxuuna qiray in xilligan uusan jirin wax khilaaf ah.

Wasiirka ayaa xusay in ay jiraan daldaloolo yar, balse  labada dowladood ay kaga wada-hadlayaan qaab diblomaasiyadeed, si loo dhammeeyo wixii dhexdooda ah.

Sidoo kale wasiir Jamaal oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in Jabuuti ay abaal weyn ku leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay door ku leedahay dowlad dhiska Soomaaliya.

“Jabuuti, dad walaalaa nahay, dowladdii Carta ayaa halkaan lagu dhisay, maantana waa annaga halkaan kasoo qeyb galnay, waana soconayaa xiriirkeenna,” ayuu yiri Jamaal.

Khilaafka soo kala dhex-galay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa bannaanka u soo shaac baxay horraantii sanadkan, kadib markii dowladda federaalka ay Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya oo ay isku qabteen arrimaha gobolka Gedo oo xuduud la leh waddankaasi.

Si kastaba, hadalka wasiirka qorsheynta ayaa kusoo aadaya, iyada oo maanta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kusii jeedo dalka Jabuuti, isaga oo soo xiri doono aragti wadaagga Geeska Afrika ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Cilmi-Baarista Heritage.