Amar lagu soo rogay Ciidamada Millateriga ee hubka ku dhex wata Muqdisho

52

Saraakiisha Taliska Ciidamada qeybta 27aad ayaa kulan waxaa ay ku yeesheen xerada Taliska Guutada 4aad ee Geed Timir, iyaga oo kulankooda kasoo saaray go’aano la xiriira Amniga, iyada oo laga jawaabayo cabasho ka timid Shacabka.

Shirka ayaa waxaa guddoominayay Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Janeraal Axmed Maxamed Maxamuud ( Tareedisho) wuxuuna Warbaahinta faah faahin ka siiyay go’aanada ama amarada ay Ciidamada kusoo rogeen, kuwaas oo kala ah.

1: In dhamaan Ciidamada ka jooga Magaalada Muqdisho taliska qeyta 27aad ay ka baxaan dibna ugu laabtaan Goobaha ay Shaqooyinka ka leeyihiin.

2: In Ciidamada ay dardar geliyaan howlgallada la xiriira Amniga ee ka socda dalka maadaama haatan lagu guda jiro waqti doorasho.

3: In Saraakiisha Ciidamada qeybta 27aad ay tagaan furimaha dagaalka, isla markaana Ciidamada ay ku wacyigeliyaan dowladnimada kuna dhiiri geliyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Janeraal Axmed Maxamed Maxamuud ( Tareedisho) ayaa sheegay in dad ku Shaqeysta Allada Yourube-ka ay kala qeybinayaan Ciidamada Qalabka sida, kuwaas oo uu sheegay inay maxkamad la tiigsan doonaan.