Doorashada 5 kamid ah kuraasta Beelaha Banaadiriga oo la shaaciyay

49

Guddiga Maamulaya doorashada Beelaha Banaadiriga ayaa shaaciyay qabashada 5 kamid ah kuraasta ay ku leeyihiin Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Muqdisho.

5-ta Kursi ee Beelaha Banaadiriga dhawaana doorashadooda la qabanaayo ayaa waxaa ay kala yihiin.

1: HOP105 oo uu ku fadhiyo Jeylaani Nuur Iikar

2: HOP 265 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay lufti Sheekh Maxamed Cumar

3: HOP 266 oo ay ku fadhido Biibi Khaliif Maxamed

4: HOP 034 oo uu hadda ku fadhiyo  Khaalid Macow Cabdulqaadir

5:HOP 084 oo ay ku fadhiso Fahma Axmed Nuur

Xalay ayay aheyd markii guddiga doorashooyinka Jubbaland ay shaaciyeen doorashada 14 kursi, waxaana u muuqataa in aan waxba laga soo qaadin baaqii Midowga Musharrixiinta ee ahaa in la joojiyo doorashada Golaha Shacabka.