Guddiga Doorashada “Mas’uuliyadda dib u dhaca Doorashada waxaa qaadanaya Golaha Wadashiga”

47

Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa sheegay in dib u dhaca Doorashada ay masuul ka yihiin Golaha Wadatashiga oo ka kooban Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada dalka.

WarSaxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in ilaa hadda la doortay 24 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka, laba kursi la laalay, halka kursi kale ay dacwadiisa ay socoto.

Maamulada aan weli Doorashada Golaha Shacabka billaabin sida Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayay ugu baaqeen in ay si deg deg ah u qabtaan Doorashada.

Hoos ka akhriso WarSaxaafadeed.