Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay Ururada Bulshada Rayidka?

58

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula yeeshay Xafiiskiisa ee Xarunta Madaxtooyada qaar ka mid ah Ururrada bulshada Rayidka..

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka iyo caqabadaha dhinac walba kajira.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay in ay kaalintooda ka qaataan gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu ee kunool Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Waxaa uu xusay Ra’iisul Wasaaraha doorka muhiimka ah oo Urrurada Bulshada rayidka ah ku leeyihiin gurmadka xaaladaha deg dega ah ee ka dhaca dalka iyo garab istaaga dadka nugul, wuxuuna cadeeyay in xilligaan baahi weyn loo qabo sidiioo mideyn lahaa howlaha gurmadka ah ee Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Ururrada Bulshada Rayidka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.