Ciidamada Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo degaano la wareegay

56

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ilaalada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgal  ka sameeyeen Deegano hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Howlgalka oo uu qeyb ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Koonfur Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen degaannada Ceeldoon, Yaaqle, Seydheelow, Ayrooble, Nibka saar, Maguurto iyo Caasha gaabo, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed Isaaq Cabdi Isaaq ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwo kalena Nolosha lagu qabtay kadib dagaal ka dhacay degaannada howlgalka laga sameeyay.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka kunool degaannada howlgalka laga sameeyay inay Ciidamada la Shaqeeyaan si ay uga guuleystaan Al-Shabaab.

Degaannada Maanta Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ilaalada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ahaayeen goobo ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan Magaalada Baydhabo.