Deeq Raashin ah oo la gaarsiiyey Barakacayaal degan Duleedka Baardheere.

44

Deeq Raashin ah ayaa  la gaarsiiyey Boqolaal ka mid ah dadka ay abaartu Saameysay ee ku sugan duleedka Baardheere,ku dhowaad ilaa 341 qoys oo degan Xeryaha Barakaca Iftiin iyo Guduudey ayaa la siiyey Raashin ka kooban Bariis ,Sonkor iyo dhar.

Deeqda Raashinka ee la siiyey Barakacayaasha oo ahayd mid is xilqaan ayaa ka kala timid Walaalaha Masjidka iimaam Shaafici ee Magaalada Daamishtaag ee dalka Jarmalka oo ay u soo wakiisheen Faadumo Qodob,iyadoona lacagahaasi ay soo uruurisey Indho deeq Qodob ,halka Gabdho degan Magaalada Dubai ay soo uruuriyeen lacago iyo sidoo kale dad kale oo Muxsiniin ah oo degan Magaalada Baardheere.

Sheekh Farxaan Maxamed Sheeqdoon oo ka mid ah Culimada Baardheere  ayaa sheegay gargaarkani inuu yahay mid wax ka taraya Nolosha qaar ka mid barakacayaasha,waxuuna ugu baaqey bulshada Baardheere iyo muslimiinta dalka gudahiisa iyo dibadiisa inay caawiyaan Qoysaskan ku dhibaateysan deegaanka.

Sidoo kale Ismaaciil Cumar Macalin oo ah Gudoomiyaha Xeryaha Barakacayaasha Baardheere ayaa ugu mahad celiyey Gabdhaha walaalaha ee ka damqadey dhibaatada haysata dadka Abaartu ay  sida weyn u saameysay iyo Qaar ka mid dadweynaha Baardheere oo iyagana lacago iyo dhar ku yaboohay gurmadka.

Ugu dambeen Ku simaha Gudoomiyaha Maamulka Baardheere iyo Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka ayaa soo dhoweeyey Kaalmadan,waxayna  tilmaameen kaalmada noocani oo kale ah in wax weyn ay ka tari doonto Nolosha Barakacayaasha,waxayna jeediyey Cosi Baaq ah.

Axmed Cumar Saalixi